Baarlamaanka Puntland oo loo qeybiyay Ajando halis ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa xalay Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas waxaa uu la wadaagay Ajandihii uu xilka ku waayey Guddoomiyihii hore ee Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed.

Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa la shaaciyay in uu furmayo bartamaha Bisha June,iyada oo ajandihiisa uu kamid yahay la-xisaabtanka xukuumadda iyo Dib-u-eegista heshiishyadii hore qodobadaas oo halis ku noqon kara guddoomiyaha.

Qodobada ugu waweyn ee Ajanaha Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa kamid ah.

1:Soo gudbinta wixii heshiisyo ah oo ay gashay Xukuumadda Puntland.

2: la xisaabtanka Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

3: dhameystirka iyo ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah.

4: Ansixinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanad siinta Golaha Wakiilada.

5: Dhaqangelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii wadatashiga Puntland.