AMISOM oo sheegtay inay dagaal ku dileen Xubno Shabaab ah

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Jubbaland iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin magaalada Bilis Qooqani ee gobolka Jubbada Hoose.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxa lagu sheegay in Al-Shabaab Saddex jiho kasoo weerareen Saldhiga magaalada Bilis Qooqani,hayeeshee AMISOM ay qaaday tallaabo ay uga hortageysay weerarkaas.

“Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka ayaa lagu yiri”Warka Midowga Afrika.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen laba kamid ah Ciidamada jubbaland haatana lagu daaweeynayo Saldhiga Howlgalka AMISOM ee deegaanka Bilis Qooqani,sidoo kalena weerarkaas lagu dilay Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara ayaa ku amaanay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM sida ay uga jawaabeen weerarka Al-Shabaab ee deegaanka Qooqaani.