Sida lagu daabacay The EastAfrican illo wareedyo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen inay korortay askarta ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ee laga helay Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19.
Ku dhawaad 40 askari ayaa la xaqiijiyey in laga helay Cudurka,kuwaas oo u kala dhashay 30 kamid ah Ciidamada Uganda iyo 7 kamid ah Ciidamada Burundi oo labaduba kamid ah dalalka ay Ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa u sheegay The EastAfrican in tirada korortay ee Cudurka COVID-19 ee laga helay Ciidamada AMISOM ay keentay inay hakad galaan howlgallada AMISOM ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ee laga helay Cudurka Corona ayaa waxaa ay hataan ku jiraan Xero karantiil oo ku taalla Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale degan yihiin Shaqaale ka tirsan QM iyo Safiirada Soomaaliya ee Caalamka.



