Puntland oo Caawa shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus

Maanta oo ay tariikhdu ku beegneyd  11 May 2020, waxaa hoos u dhacay Puntland dadka laga helay xanuunka Covid19, marka loo eego xaaladihii labadii maalmood ee ka horeeyay.

Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland  ayaa sheegay in  maanta la baaray 24 qof waxaana laga helay 6 qof oo kala jooga gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari.

Xaalada la xaqiijiyay guud ahaan Puntland ee xanuunka ayaa hada gaartay 90 qof, waxaana u dhintay 4 qof, iyada oo uu bogsaday 1 qof.

Guddiga Guddiga sidoo kale waxaa ay sheegeen in Wasaaradda caafimaadka ay diyaarisay ilaa 12 xarumood oo ku kala yaala dhamaan deegaanada kala duwan ee Puntland kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daweeyo laguna karantiilo dadka xanuunka laga helay.