DFS oo lagu eedeeyay inaysan kaalin ka geysan kahortagga fatahaada Beledweyne

Waxaa soconaya dadaallo ay wadaan Guddiga Gurmadka Magaalada Beledweyne oo lagu doonayo in sanadkan fatahaad looga badbaadiyo magaalada oo muddooyinkii u dambeeyay ay sanad walbaa dadku daadad uga baro-kici jireen.

Guddiga ayaa beeniyay in howsha socota ay kaalin ku leedahay dowladda federaalka, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku geysay Beledweyne.

Dowladda federaalka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag gaareysa 500 oo kun oo dollar ay ugu deeqday dadka ay fatahaaddu magaaladaasi ku saameysay, hase yeeshee Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay in lacagtaasi aanay soo gaarin dadkii loogu talo-galay.

Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay doorkeeda,hayeeshee Ganacsatada iyo qeybaha kale ee Bulshada ay wadaan dadaal ay uga hortagayaan fatahaada.

Waxaa jirassiyaasiyiin Dowladda ku eedeeyey inay ka gaabiyeen waxka qabashada xaalada Beledweyne,waxaana kamid ah Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur,waxaana isaga oo arrimahaasi ka hadlayay uu yiri.

Dawlada Federaalka ah lacag $500k oo ay sanadkii hore ugu yaboohday fatahaada Beledweyne ilaa iyo hadda lama hayo. Waxay kaloo sheegtay in qalab, iyo ciidan ay geysay Beledweyne, taasina waxaa beeniyey Guddiga Gurmadka Beledweyne, Waxaan dhiira gelinayaa dadaalka Guddiga Gurmadka. Waxaan ugu baaqayaa madaxda Dawlada Federaalka ah, haddii aydan dadka wax taraynin hafrida ka daaya. Reer Hiiraanow aan isku tashano cir waan toli karnaahe.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa labadii Todobaad ee la soo dhaafay ka socday dadaalo looga hortagayo fatahaada Wabiga oo meelaha qaar ka fatahay,waxaana jira dad Magalada ka barakacay.