Somaliland oo beenisay in ay baxsadeen dad qaba Cudurka Corona Virus

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Warar sheegaya in Dad laga helay Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19 ka baxeen Gacanta Dawladda, taasina khatar ku tahay Caafimaadka guud ahaan Bulshada.

Shalay ayaa waxa soo baxday Warar kala duwan oo sheegayey in Xubno ka mid ah Dad laga helay Xanuunka Covid_19 ay ka baxsadeen Gacanta Dawladda, Warkaasi oo Bulshada dhexdeeda aad ugu faafay isla-markaana dhaliyey Wer-wer, maaddaama oo Arrintaasi ay sababi karto khatar weyn oo soo waajahda Bulshada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in aanay jirin Dad xanuunka qabay oo baxsaday, balse ay yihiin Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, iyaguna kula taliyeen inay Guryahooda isku daryeelaan, xidhiidhna la sameeyaan ka Wasaarad ahaan.

 “Dadkani waa Dad uu hore ugu dhacay oo uu ka sii baxayo, Wax Calaamad ahna malaha.”

Agaasime Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay la socdaan Xaaladda Dadkaasi, iyaguna ay kula taliyeen inay Guryahooda isku Daryeelaan “Waanu la soconaa oo waanu la xidhiidhnaa, waxaanuna u sheegnay inay Guryahooda isku daryeelaan, markaa ma baxsan karaan..”