Dowladda Kuwait oo diiwaangelisay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Dowladda Kuwait ayaa diiwaan gelisay lix qof oo cusub oo qabta coronavirus maanta, waxaana soo kabtay dad gaaraya 111 ruux, oo ka mid ah 743 oo qabay kiisaskan, wasiirka caafimaadka ee Kuwait Dr. Basel al-Sabah ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.Dhanka kale, Kuwait ayaa diiwaangelisay hal qof oo u geeriyooday viruskan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Al-Sabah ayaa hore u sheegay nin reer Kuwaiti ah oo 72 jir ah iyo wiil 2 jir ah ay soo kabsadeen Covid19. Haweeney 82-sano jir ah ayaa sidoo kale soo kabatay usbuucii hore.

Dalka Kuwait ayaa fuliyay dhowr tillaabooyin oo adag toddobaadyadii la soo dhaafay si looga hortago faafitaanka viruska Corona.

Golaha wasiirada ayaa soo rogay xayiraad guud oo bandow ah meelaha qaar muddo labo todobaad ah oo ka bilaabatay bartamihii Todobaadkan. Bandoowga qeyb ahaan ka dhaqan galay dalka oo dhan ayaa bilaabanaya Lixda Maqribnimo.