Dhageyso:-Puntland oo soo bandhigtey natiijada dad laga baarey Coronavirus

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey natiijada baaris lagu sameeyey afar qof oo looga shakisanaa Cudurka Corona,kuwaas oo baaritaan lagu sameeyey iyo la karantiiley.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan kana mid ah Gudiga ka hortaga Cudurka Carona Virus ee Puntland ayaa sheegay inaysan jirin kiias cusub oo la xiriira Corona ee laga helay deegaannada Puntand.

Waxaa uu sheegay in Afar qof oo loo qadey baaritaan kana mid ahaa 5 ruux oo la karantiiley la xaqiijiyey ineysan qabin cudurka COVID 19.

Sidoo kale wasiirka waxaa uu sheegay inay la socdaan xaalada Ruux la karantiiley,sila markaana xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka.