Jubbaland Ganacsatadda uga digtay in ay faa’iido ka raadinayaan saameynta COVID-19

Maamulka Jubbaland ayaa uga digay ganacsatada in qiimo sare ay iibiyaan Qalabka looga Gaashaanto Faafida Cudurka Caronavirus.

Jubbaland ayaa sheegtay aysan aqbali doonin in Ganacsatadda ay  faa’iido ka raadinayan saameynta cudurkaasi.

Jubbaland waxa ay sheegtay  in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Ganacsatada qaaliyeeyay Maceeshada si ay uga faa’idaystaan werwerka Cudurka Corona Virus awgii.

Waxa ay xustay in maamulka  ay diyaar garow ugu jirto ka hor-tagga saameynta dhaqaale ee uu cudurka Caronavirus keeni karo, isaggoo Ganacsatada ugu baaqay inay waajib iska saaraan daryeelka Bulshadda.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa sare u kacay qalabka la iska difaaco Cudurka Corona Virus ee Afka lagu xirto ka dib markii Kiiskii ugu horreeyay laga helay Soomaaliya.