Daawo:-Madaxweynaha Puntland oo aqbalay in uu yimaado Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland, iyada oo shirka intiisa badan Maanta looga hadley Shirkii wadatashiga puntland ee dhawaan lagu qabtey Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland oo kulanka ka hadlay sheegay in weli uu ku taagan yahay Go’aankiisii uu ka sheegay Shirkii wadatashiga ahaa ee ahaa uu shir u qabanayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada welina diyaar u yahay.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay in Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta ay ku go’aamiyeen in isaga iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada inay yimaadaana Magaalada muqdisho & qaar kamid ah Caasimadaha Dowlad Goboleedyada si xal waara loogu heli lahaa khilaafka jira iyo geedi socodka dib u dhiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa uu gu baaqay Maamul Goboleedyada kale ee kajira dalka inay maraan wadadii ay martey Puntland,isa markaana deegaannadooda ay ku qabsadaan Shir wadatashi ah.

Hoos Ka Daawo Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Radio Risaala| Dani " Muqdisho ayaan tagayaa"

Madaxweynaha Puntland oo aqbalay in uu yimaado Muqdisho.

Posted by Risaala Media Corporation on Thursday, 19 March 2020