Dhageyso:- Puntland oo hakisay Doomaha kalluumeysi ee ka yimaada Caalamka

Kadib kulan aan caadi aheyn oo ay Magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal ku yeesheen Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay kasoo saareen go’aano ku saabsan Cudurka Coronavirus iyo Shirka dhawaan ka furmaya Magaaladaas.

Kulanka oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa warbixino looga dhageystey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland iyo Guddiga qaban qaabada shirka 15 Bishaan ka dhacaya Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey ayaa sheegay in shirka intiisa badan looga hadlay dhibaatada Cudurka Coronavirus ,isla markaana Puntland ay diyaarisey Xarumo dadka lagu karantiilo oo ku yaalla Boosaaso,Garoowe Gaalkacyo sidoo kalena la baarayo dadka kasoo dagaya Garoomada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay wasiirka in Golaha Wasiirada Puntland ay go’aan ku gaareen in muddo la hakiyo doomaha kalluumeysi ee deegaannada Puntland uga yimaado Caalamka si looga digtoonaado Caabuqa Cudurka Coronavirus.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland.