War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ay duqeynka cirka u gaysteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dowladda ayaa shegtay in duqeyntaas lagu diley Afar Xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaa slooga gol lahaa sidii loo yareyn lahaa awooda dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya.
DFS iyo Ciidamada AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin muhiim ah oo looga gol-leeyahay ilaalinta nolosha dadka shacabka inta lagu gudajiro la dagaalanka Alqaacida iyo Alshabaab, iyada oo si hufan loo baarayo eedayn walba oo lasoo wariyo. Ilaa hadda hubintii la sameeyey ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay dhaawac iyo dhimasho midna.
Duqeyntan ayaa ah mid lagu baritaarayo DFS si ay meesha uga saarto gaboodfallada Alshabaab islamarkaana shacabka Soomaaliyeed u helaan mustaqbal wanaagsan ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta.
Way ka go’antahay Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidamaddeeda kala duwan ee Xoogga Dalka, Danab iyo bahwadaagooda Mareykanka la dagaalanka Alshabaab si loo baajiyo waxyeelada ay u gaysanayaan shacabka aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruur oo ku dhaqan Soomaaliya iyo deriskeedaba. Dadaaladan aan ku dhawreenno shacabka iyo ilaalinta ayaa ka geddisan weerarrada aan loo meeldayin oo Alshabaab kula kacaan meelaha ay shacabka ku badanyihiin ee Soomaaliya.
Weerarkan ayaa imaanaya kagadaal markii ciidanka Xoogga Dalka oo fadhigoodu yahay Ceel Salini ay jabiyeen weerarkii Alshabaab ee kusoo qaadeen xeradooda militari.
Ku dhawaad 30 Ashabaab ah ayaa isku dayay in ay cagtamariyaan xerada militari ee halkaa dhacda, hayeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay.
Ma jirin cid ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo wax ku noqatay weerarkaas. Tan ayaa waxay tusaale cad u tahay sida awoodda isdifaacidda Ciidanka Xoogga u sii kordhayso marka loo eego dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ayaa lagu soo geba-gabeeyey War-Saxaafadeedka.



