Shir socday muddo shan cisho ah ayaa Madasha Xisbiyada Qaran waxaa uu maanta ugu soo gabagaboobay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxaa shirkaan diiradda lagu saaray doorashada soo socota ee 2021, xaalada siyaasadeed, mida amniga iyo sidii Madashu oo isku duuban doorashada soo socota uga qeyb geli lahaayeen.
Sidoo kale waxaa jirta hadal heyn ku aadan in Madashu dhowaan shaacin doonto Musharaxa ay ku mideysan yihiin oo uga qeyb gala doorashada 2021.



