Dhageyso:-Taliska Ciidanka xooga oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto C/Xamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiil kale ayaa waxaa ay kormeer ku tageen Fariisimaha ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaannada Number 50,Bariire,Sabiid iyo Canoole,Ceelsaniini,iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Janeraal C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid waxa uu u dul istaagay difaacyada Ciidamada, isaga oo Ciidamada u shegay inay ku amaanana yihiin sida ay dagaalka xoogan ugula jiraan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Taliyaha waxa uu sheegay in ay ugu tagi doonaan Goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab,isaga oo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.