Wararkii u dambeeyey khasaaro ka dhashay dagaalkii Dhuusamareeb

Waxaa weli xaalad kacsanana ah laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug,halkaas oo xalay dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmadaas & kuwa Hoggaanka Ahlusunna.

Dagaalka ayaa yimid,sida la sheegay,kadib markii Gaari nooca dagaalka ah oo kasoo baxay Xarunta Inji oo ay ku sugan yihiin hogaanka Ahlusunna uu jiirey Bar koontorol oo Ciidanka Dowladda ku leeyihiin meel u dhow Xaruntaas,waxaana halkaasi ka dhacay israsaaseyn socotay kin ka badan 40 Daqiiqo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen Saddex Ruux oo kala ah laba qof oo Shacab ah iyo askari ka tirsan mid kamid ah dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug oo ay dowladda aqoonsan tahay Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoggaanka Ahlusunna ku eedeeyey inay weerar kusoo qaadeen Bar koontorool oo ay leeyihiin Ciidanka Dowladda,isla markaana ay wadaan xaalad abuur ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in weli xaalad kacsanana ah inay ka jirto Magaaladaas,waxaana Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda la dhoobay goobtii xalay uu dagaalka ka dhacay.