Jubbaland oo eedeyn u jeedisay dowladda dhexe

Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa war saxaafadeed ka soo saartay fara galinta siyaasadeed iyo khal khal galinta amni oo ay sheegeen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa sheegtay in gobolka Gedo dowlada dhexe ee Soomaaliya ay go’doomisay.

Jubbaland ayaa sheegtay in Ciidanka dowladda ee la geeyay gobolka Gedo ay halkaasi ka sameeyeen Khalkhal Amni loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayay Jubbaland xustay in ay ka taagan gobolka Gedo.