Bayern Munich oo dhabar jebineysa Liverpool

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay dalab 75 milyan oo ginni ah ka gudbiso weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino.

28-jirkan ayaa mar kale u ah xidig muhiim kooxda Reds inta lagu gudajiro ololahaan 2019-20, isagoo dhaliyay 10 gool islamarkaana caawiyay 12 kale 36 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Brazil ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda ka dhisan Anfield wuxuu socan doonaa ilaa xagaaga 2023, halka uu saxiixay kaliya qandaraas cusub sanadkii 2018.

Sida laga soo xigtay The Sun, inkasta oo Bayern ay go’aansaneyso inay u keensato South American-ka Allianz Arena waxayna soo gudbin doonaan dalab marka suuqa kala iibsiga xagaaga uu furmo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka Bundesliga ay ku bixin karto ugu badnaan 75 milyan oo ginni weeraryahankaan, kaasoo usoo ciyaaray Hoffenheim ka hor inta uusan u dhaqaaqin England 2015.

Dhanka kale, Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka RB Leipzig Timo Werner ka hor ololaha 2020-21.