Barcelona oo xooga saareysa saxiixa Lautaro Martinez

Weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez ayaa lagu soo waramayaa inuu noqon doono bartilmaameedka koowaad ee kooxda Barcelona suuqa xagaagan.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa u dhaqaaqi doonta weeraryahan cusub isbuuca soo socda hadii loo ogolaado inay sameyaan saxiix deg deg ah kadib dhaawaca Ousmane Dembele.

Si kastaba ha noqotee, kooxda ayaa la filayaa inay sugto ilaa dhamaadka ololaha 2019-20 si ay rasmi ugula soo saxiixato bedelka mustaqbalka fog ee Luis Suarez.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si xoogan loola xiriirinayay kooxda reer Catalan, waxaana sida laga soo xigtay 90min, weeraryahanka Gunners inuu ku jiro liiska Barca ee suuqa xagaaga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Martinez uu yahay bartilmaameedka kooxda Isbaanishka ka dhisan marka uu dhamaado xagagan.

22-sano jirkan, kaasoo dhaliyay 16 gool 27 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan, ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Manchester United laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu ka garab ciyaaro saaxiibkiisa reer Argentina Lionel Messi oo kusugan garoonka Camp Nou.

Inter ayaa la sheegay inay dalbatay in koox kasta oo xiiseyneysa ciyaaryahanka ay bixiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 94 milyan ginni ka hor inta aysan u ogolaanin inuu baxo.