Maxamed Cali Samatar oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay xarunta wasaarada Gaanshaandhiga Soomaaliya alle ha u naxariiste Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Meydka Marxuumka ayaa la geeyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya halkaas oo Salaadda Janaasada ay kula tukadeen Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shacab aad u farabadan.

Aaska Waxaa kasoo qeygalay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya waxana sheegeen in Maxamed Cali Samatar uu ahaa shaqsi waxbadan kasoo qabtay dhismaha ciidanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisulwasaaraha dalka iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuum Maxamed Cali Samatar.

Saraakiil ka ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo  la soo shaqeeyay Jeneral Samatar ayaa sheegay in uu ahaa nin heerka ugu sareeya ka gaaray Darajada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.