Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde oo la Amray in la soo qabto

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa  ayaa Amar ka soo baxay la faray in uu maxkamadda horyimaado Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan-Cade oo fulin waayay amar maxkamadeed oo ahaa inuu joojiyo dhismaha ka socda dhul muran ka taagan yahay oo ku dhex jira xeyndaabka garoonka diyaaradaha

Dhulkan ayaa la sheegay in Madaxweyne Xassan Shiikh uu siiyey mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhulkaas ay sheeganayaan milkiyadiisa qoyska Reer Cali Ugaas,  kuwaas oo cabashadooda jeediyay.

Taliyaha Saldhiga booliska ee garoonka Aaden-Cade ayaa iska diiday fulinta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkan, maxkamadda ayaa mar kale maanta amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska.