Zidane oo qorsheynaya in Saddex ciyaaryahan Real Madrid ka qaato haddii uu qabto Man United

Suuqii xagaagan ayaa ay Manchester United ku hungowday saxiixa xiddigo ka ciyaara khadka dhexe, difaaca dhexe iyo weerarka dhexe.

Fashilkaas ayaa ku hooggaamiyay United inay dhex dabaallaneyso xaalad aad u dhib badan maadaama guuldarrooyin ay saaxiib la noqotay bilawga xilli ciyaareedkan curdunka ah.

Saxaafadda ayaa isla dhex qaadday in la joogo xilligii uu Jose Mourinho ka tagi lahaa shaqada Old Trafford, waxaana lala xiriirinayaa Zinedine Zidane.

Halyeyga Faransiiska ayaa hadda shaqo la’aan ah tan iyo markii uu iska casilay shaqada Real Madrid, waxaana la filayaa inuu noqdo macallinka xiga ee Manchester United, haddii Jose laga diro kooxda.

Durba waxaa soo if baxay in Zidane uu hadda ka fikirayo inuu lasoo saxiixdo saddex ciyaaryahan oo la tirsan naadigiisii hore.

Majaladda kasoo baxda Spain ee Don Balon ayaa ku warramaysa in ku guuleystihii Champions League-ga saddexdii ciyaareed ee lasoo dhaafay doonayo in Los Blancos uu kasoo qaato Raphael Varane, Toni Kroos iyo Karim Benzema.

Varane iyo Kroos ayaa horay shiishka ugu saarnaa Red Devils, maadaama loo arko inay xal u noqon karaan difaaca iyo dhexda kooxda Old Trafford ku ciyaarta, halka Benzema uu dabooli karo shaqada uu kasoo bixi waayay Romelu Lukaku.

Qorshahan ayay Don Balon sheegtay in Zidane uu ku dhaqaaqi doono bisha January, haddii uu noqdo macallinka United ka hor xilligaas.