Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la yeeshay xilibaanada iyo saraakiisha Hogaamineysa ciidanka xoreynta degmadda Ceel buur iyo deeganada hoos yimaada.
Taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ciidanka ku boggaadiyay ka go’naashahooda xoreynta deegaanadooda, isaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah howlgalka u bilaabaan.
Xilibaan Jacfar oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamda xoreynta degmadda ceel buur iyo deegaanada hoos yimaada ay yihiin kuwa u caaboon in dhulkooda ay ka Bixiyaan cadowga .
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa balan qaaday in ay taageero dhinac walba ah uu maamulka siin doono ciidamada cusub ee dhawaan ku soo biiray howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab



