Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Hirshabeelle.
Doorashadan oo barkhadii maanta bilaabatay ayaa waxaa lagu doortay Hal kursi oo keliya.
Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaayay Afar haween ah, ka dib tartan adag oo dhexmaray ayaa ugu dambeyntii waxaa kusoo baxday Faadumo Faarax Ibraahin(Qamar) oo heshay 37 cod.


