Yaa kusoo baxay doorashada ka socota Muqdisho?

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku  guuleysatay in  ay ka mid noqoto xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ee ka imaanaya deganada maamulka Somaliland.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa ka guuleysatay Haweenay la tartamaysay oo lagu magacaabo Caasha Aadan, kadib markii ay Fowsiyo heshay codad gaaraya 45 cod.

Xildhibaanada Fowsiyo ayaa xilal kala duwan kasoo qabatay dowladdii uu waqtigeedo dhammaaday sida Ra’iiuslwasaare ku xigeen iyo wasiirka  arimaha dibada.