Arsenal ayaa shaaca ka qaaday in Alexis Sanchez maanta loo magacaabay ciyaaryahanka bishii September ugu fiicnaa kooxda.
Xiddiga reer Chile ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkan si fiican, 27-sano jirkaan oo loo isticmaalayay doorka weerarka uu ku hogaamiyay kooxdiisa guulo intii lagu jiray bishaasi
ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa ku riyaaqaya bilow fantastic ololaha cusub ee xili ciyaareedkaan, waxaana uu dhaliyay sadex gool bishaasi isagoo sidookale abuuray shan fursadood.
Weeraryahankii hore ee Udinese ayaa sidoo kale ciyaaray laba kulan oo Champions League isagoo dhaliyay hal gool kasoo ahaa barbarihii kulankii Paris Saint-Germain.
Sanchez ayaa sidoo kale diiwaan gashtay laba caawin intii lagu jiray bishii hore,tasoo keentay in uu kaga wanaagsanaado ciyaartooyda kale ee Arsenal,


