Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed munaasabad uu ugu dabaal dagayo Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo ku beegan maanta oo Taariikhdu tahay 20 December ayaa hadda ka socoto Stadium Koonis ee magaalada muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mas’uuliyiin iyo Shacab isaga Kala yimid Degmooyinka Gobolka banaadir, ayaa munaasabaddan ka qayb galaya, iyadoo halkaas Ciidanka Boliisku ay ku soo bandhigeen Gaadda ka ciyaar iyo Heeso lagu maamuusayo.
Sidoo kale Xaflado loogu dabaal-dagayo aas aaska Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed ayaa ka socda Gobollada Dalka.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.