Xulka Soomaaliya oo iska xaadiriyay Finalka Tartanka CECAFA

Xulkeenna Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-sano ayaa markii ugu horreysay iska xaadiriyey Final-ka Cecafa Under -17, kaddib markii ay galabta 1-0 ku garaaceen dhiggooda Uganda.

Waxaa la shaaciyey in xulkeenna Soomaaliya uu la ciyaari doono xulka Tanzania oo iyaguna galabta 2-1 uga soo baxay xulka Kenya.

Kulanka kama dambeysta ah ee Finalka Cecafa Under -17 waxaa la ciyaari doonaa 29-ka bishan aynu ku jirno ee April maalin Axad ah.

Kaalinta Saddexaad ee Koobkan waxaa ku tartami doona dalalka Keyna iyo Uganda, iyagoona wada ciyaari doona 28-ka bishan April, maalin ka hor kulanka Final-ka.

Dhinaca kale Guddooomiyaha xiriirka kubada cagta Afrika ee Axmed Axmed ayaa ka dhawaajiyay inuu ku farxay guusha ay gaartay Soomaaliya, waxaana uu ballan qaaday inuu u safri doono dalka Burundi si uu u daawado kulanka kama dambeysta ah oo ay Soomaaliya la ciyaari doonto dalka Tanzania.