Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla oo ka hadlayay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin badan u geysteen dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay dileen dad badan oo la jeclaa.
Wuxuu sheegay in xilligaan wadada kaliya ee shacabka Soomaaliyeed u furan ay tahay inay la dagaalamaan Al-Shabaab oo ay iska xureeyaan, maadaama Al-Shabaab ay weli u diyaarsan yihiin inay dad kale dilaan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Al-Shabaab ay wataan fikir ay dalka dibaddiisa kala yimaadeen si ay dalka ugu xukumaan, wuxuuna sheegay in dhawaan guud ahaan Soomaaliya laga saari doono Al-Shabaab.
Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla ayaa kusoo aadaya xilli weli qaar kamid ah Gobolada dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay.



