Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay inay wasaaraddu ka go’an tahay inay gacanta ku qabato dhammaan isbitaalladii uu dalku lahaa.
Wasiiradda oo ku guda jirtay kormeer ay ku tagtay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaybta lagu daweeyo Haweenka isku furanka ku dhaco ee (Fistula Department) ayaa ammaan ballaaran u soo jeedisay howl-wadeennada Isbibaalka, waxaanay sheegtay inay dedaal ka geysan doonaan sidii loo tayayn lahaa xarunta.
“Wasaaradda caafimaadka waxaa ka go’an in Isbitaalladii guud ay si buuxda ugu maamusho ganateeda ugu qabato, kaalmo weyna ay u fidiso, marka waa wax noo wada yaalla, aad baan ugu faraxsanahay inaan idinla kulmo”. Ayay tiri Marwo Fowziyo.
Marwo, Fowziyo ayaa u mahadcelisay shaqaalaha isbitaalka iyo hay’adda Bisha Cas oo door Lixaad leh ka soo qaadatay Dawada, shalabaynta iyo gacan ku haynta hawlaha kala duwan ee isbitaalka.
Wasiirradda ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaatooyinka isku furanka uu ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, waxaanay intaa raacisay inay qorsheynayso sidii dhaqaale lagula tacaalo loogu raadin lahaa.
Waxay sheegtay wasiirraddu inay qorsheynayaan sidii siku furanka loogu heli lahaa ka hortag iyo wacyi gelin ballaaran si loo yareeyo khatarta naf ahaaneed ee ka imaan karta xanuunkan, iyadoo intaa raacisay inay dhibaatadani inta badan soo wajahdo gabdhaha da’ada yar.
Wasiir Fowziyo ayaa sheegtay in gabdhaha bukaanka ah ee la il daran xanuunkan isku furanka ee ku jira isbitaalka Keysaneey in ay yihiin kuwo aad u da’yar, islamarkaana ka faquuqmay bulshadii ay la noolaayeen, waxaanay ku cel-celisay inay xil iska saari doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haysata.