Xubno katirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada xoogga dalka

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo ka mid ahaa Al-Shabaab kuna dhuumaalaysanayay deegaannada Koofur galbeed.

Cali Xasan Cali ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa 12-sanno, isagoo ka soo qeyb-qaatay dagaalada ay kooxdu ku jirto halka Maxamed Cabdullaahi Cali uu isna kaga biiray Al-Shabaab deegaanka 20-jirow wuxuuna u qaabilsanaa lacagaha laga qaado shacabka ku nool gobolka Baay.

Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo ka hadlayay sababaha ay isku soo dhiibeen ayay ku sheegeen inay tahay kadib markii ay u adkeysan waayeen howlgallada ay Ciidamada dowladda ka wadaan degaannada Koonfur Galbeed.

Bilihii ugu dembeeyey waxaa sii kordhayey Saraakiisha iyo Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab ee  isku dhiibaya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada