Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya  in xubno ka tirsan Alshabaab lagu dilay Hawgal ka dhacay gobolkaas

Hawlgalka ayaa la sheegay in ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac .

Ku dhawaad 20  xubnood oo  tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay  howlgal qorshaysan oo Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud sida lagu daabacay warbaahinta  Dawlada .

Sidoo kale , Hawlgalka  ayaa la sheegay in lagu burburiyay Idaacad ay  Alshabaab  ay  lahaayeen iyo xarun ay ku diyaarin jireen Qaraxyada iyo weerarada ayaa lagu yiri warka ay baagisay warbaahinta Dawlada .