Kadib buuqii ka dhashay xalay doorashadii Aqalka Sare ee xalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in la guda galo howlaha doorashooyinka, isla markaana la dhameystiro Saddexda Xubnood ee Maamulka Hir-Shabeelle uga harsan Aqalka Sare.
Kursiga buuqa uu ka dhashay ee doorashada loo hakiyay xalay ayaa waxaa ku tartamayay Cali Shacbaan Ibraab, CabduQlqaadir Xanafi Sheek Bashir, Cabdullahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar & Cabdalle Cabdi Xuseen
Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in Xildhibaano tiro yar ay buuq ka sameeyeen Goobta doorashada, kuwaas oo uu sheegay in Guddiga anshax la marin doono.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xildhibaannada buuqa ka sameeyay Goobta doorashada aysan jirin eax cabasho ah oo ay wadeen, balse kaliya fowdo ay sameeyeen lana xalin doono.
Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq waxaa uu sheegay in doorashada Hir-Shabeelle ay tahay mid si cadaalad ah oo qabtay, isla markaana ciddii cabasho qabto ay u gudbineyso Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka socday doorashada Aqalka Sare, eaxaana ilaa iyo hadda la doortay 5 Xubnood, waxaana ka harsan Saddex kursi, kuwaas oo saacadaha soo socda la dooran doono.