Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday maanta Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel ku yaala Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, iyadoona saacado kadib ciidamada ay soo afjareen weerarka.
Hotelka qaraxa iyo weerarka lagu ekeeyay ayaa lagu magacaabaa Hotel Qaahira, waxaana la sheegay iney daganayeen Odayaal dhaqameed , siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo waday abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan Galbeedka gobolka Hiiraan.
Sida ay sheegayaan wararka 4 xubnood oo Al-shabaab ayaa gudaha hotelka muddo ka dhex dagaalamayay, iyadoona xubnihii weerarka qaaday dhammaantooda la toogtay.
Daqiiqado kaddib, mooto bajaaj lagu soo xiray qarax ayaa lagu qarxiyay bannaanka hore ee Hotelka ee ku yaalla isla magaalada Baladweyne.
Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku geeriyodoay weerarka oo ay ku jiraan nadoonada ka soo jeeda galbeedka Gobolka Hiiraan, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Nabadoonada Weerarka ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Nabadoon Mohamed Osman Ileynaa, Adan Mohamed Alasow Indhabur Iyo Taliye Galaangashe.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay saakay ku qaadeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan rag ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab oo weeraray Hotel ku yaala magaalada.
Wasiirka oo war qoraal ah kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook ayuu si kulul ugu cambaareeyay dhibaatada ay Kooxda Al-shabaab ay ka geeysatay hotel ay deganaayeen nabadoono iyo rag saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya, waxaana ammaan uu u jeediyay ciidanka qaranka oo uu tilmaamay inay si geesinimo leh uga hortageen dhagarta Kooxdaasi.
Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidan ee ka soo jeeda galbeed Gobolka hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waday abaabul iyo guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka, si Al-shabaab looga deegaanada dhaca galbeedka G/Hiiraan.



