Xoghayahii Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo is casilay

Waxaa is casilay Xoghayahii Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson, kadib markii uu soo if baxay khilaaf ku saabsan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen arintan in ay dhabar jab ku noqoneyso Theresa May oo ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa xaqiijiyay is casilaada Boris Johnson wuxuuna yiri:- “Galabta ayay Ra’iisul Wasaaraha aqbashay is casilaada Boris Johnson ee xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, bedelkiisana waxaa lagu dhawaaqi doonaa saacadaha soo socda”. Ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Theresa May.

Maalin kahor ayay aheyd markii uu is casilay Wasiirkii UK u qaalbilsanaa wada xaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub, Mr. Davis ayaa xilkaan loo magacabay sanaddii 2016.