XOG: Manchester United Oo Bedelka Juan Mata Kala Soo Wareegeysa Chelsea

Juan Mata ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester United, iyadoo Willian loo arko bedelkiisa ugu macquulsan.

Jose Mourinho ayaa isku dayay xagaagii lasoo dhaafay inuu lasoo wareego xiddiga Chelsea Willian, waxaana wadahadalo uu la yeeshay wakiilada ciyaaryahanka Brazil.

Xiddiga reer Brazil oo 29 sanno jir ah, ayaa go’aansaday inuu sii joogo waqtigaas Blues, laakiin United ayaa kalsooni ku qabta inay lasoo wareegi karto.

Heshiiska Willian kula joogo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge wuxuu ku eg yahay sannadka 2020ka.

Willian  ayaa £ 30million kaga soo wareegay Chelsea kooxda Shakhtar Donetsk shan sano ka hor, laakiin haatan waxaa macquul ah inuu dhaqaaqo.

Mourinho ayaa qorsheynaya inuu isbedel weyn sameeyo dhamaadka xili ciyaareedkaan,  si uu u dhiso koox la dagaalanta Manchester City.

Mata oo 30 jir noqon doona bishaan, ayaa 182 kulan usaftay Manchester United, isagoo dhaliyay 39 gool.