Xisbiga Wadajir” Waa tallaabo kale oo si ula kac ah Rajiimka talada haya ugu tuntay dastuurka”

War Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay in xubno ka mid ah Xukuumaddii dhacday ay ansixiyeen Golaha Adeegga Garsoorka oo Khamiistii ay meel mariiyeen Golaha Wasiiraddii ee xilka sii haya.

Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Golaha Wasiiradda ee xilka sii haya ay ku tunteen Sharciga dalka, islamarkaana aysan ansax noqon doonin tilaabadda ay qaadeen.

Warka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in loo baahan yahay ilaalinta Sharciga iyo sidoo kale kala dambeyntii dastuurka uu farayo hay’addaha dowladda.

“Xukuumad heysata Kalsoonida Baarlamaanka ayaa awood u leh inay soo jeediyaan Waa tallaabo kale oo si ula kac ah Rajiimka talada haya ugu tuntay dastuurka iyo shuruucd JFS”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Wadajir.