Xilliga uu furmaayo tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo la shaaciyay

Waxaa goordhow lagu dhawaaqay Xilliga rasmiga ah ee uu furmaayo tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay uu socday diyaar garoowgiisa.

Guddoomiyaha Ciyaaraha gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish iyo gudigiisa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 25-ka bishan oo ku beegan maalinta khamiista uu furmi doono tartanka kubada cagta degmoyinka iyo degaanada gobolka Banaadir.

Kooxaha Kubadsa Cagta degmooyinka iyo degaannada Gobolka Banaadir iyo taageerayaashooda ayaa wada diyaar garoow ku aadan ka qeyb galka tartanka oo sanadkaan xiiso gaar ah leh.