Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegeen Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen, Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxa ay dhici doontaa 11-ka ilaa 12-ka Bishan January.
Waxa ay sheegeen Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Golaha shacabka in ay si wanaagsan u socoto qaban qaabada ku aadan Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.
Waxa ay sheegeen in ay rajeynayaan Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen in Magaalada Muqdisho ay ka dhicdo 11-ka ilaa 12-ka Bishan January ee sanadkan 2017-ka.
Guddiga ayaa waxa ay 31-kii December 2016-kii maalin sabti ah ay shaaciyeen lacagaha laga rabo Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka, taas oo dhan 15-kun oo Dollar.


