Xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa maanta la doortay, waxaana loo doortay ilaa 6 Senator oo ka kala socda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Guddigan ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan dardar gelinta, da dejinta iyo Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Hirshabeelle, halka Xoghayaha loo magacaabay Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Puntland.

Lixda xubin ee Aqalka Sare ee loo xil saaray Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxa ay kala yihiin:-

1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle.

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ka socota Maamulka Galmudug.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Maamulka Puntland.

4.C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay Maamulka Jubbaland.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali oo ka socda Maamulka Somaliland.

6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo laga soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale maalinta berri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 17-ka Bisha ilaa 19-ka Bishan oo ku beegan Khamiis waxaa socon doonta diiwaangelinta Musharaxiinta Aqalka Sare.

Maalinta Sabtida ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 22-ka Bishan waxaa khudbado laga dhageysan doonaa Musharaxiinta u sharaxan Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

22-ka Bishan oo ku beegan maalin Axad ah ayaa waxaa dhici doonta Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida ay sheegeen Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddonka Aqalka Sare.