Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo Ganaax lagu riday

Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa laga ganaaxay inay ka soo xaadiraan fadhiyada golahaasi yeelanayo.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa amar uu soo saaray waxa uu ku sheegay in sadex xildhibaan oo tirsan golahaasi aanay ka soo xaadiri Karin fadhiyada mudo sadex cisho ah.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha gudoomiye Baashe ganaaxa saaray ayaa warbaahinta uga waramay sababaha keenay ganaaxa ku dhacay.

Xildhibaan Nacnac oo ka hadlaya sababta ganaaxiisa ayaa waxa uu yidhi “Horta waligay ma ihi ninka habsaamay oo shahaado sharaf ayaaba laygu siiyey baarlamaanka, laakiin ninkan la ansixinayo ee wasiirka warfaafinta ayaan uga soo baxay golaha waanan diidanahay markaa kab iyo xaarkeed waa laysku tuuraa oo wasiir maaha waana nin liita oo waa babqaa wixii lagu shubto ayuunbuu sheegaa, afhayeena ka xun dawladan xaaji muuse ayaanu ka tirsan yahay waligayna haddii laygu eedaamayo ansixin maayo.”