Xildhibaano ka hor-yimid Go’aan kasoo baxay Maamulka Puntland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa joojisay Xafiisyo ay Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ka furteen deegaannada maamulkaas,hayeeshee waxaa tallaabadaasi ka horyimid Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo kan Maamulka Puntland.

Wasiirada Xafiisyada furtay ayaa kala ah wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan & Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo labaduba ay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in go’aankaas mamnuucista ah uu yahay mid ka hor imaanaya Dastuurka Soomaaliya,isla markaana Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 aysan Puntland u adeegsan karin is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo dhaweeyey fikradda ah in deegaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka xiriir joogta ah sameystaan.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoorre oo kamid ah golaha wakiillada Puntland ayaa dhankiisa sharci-darro ku tilmaamay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxaana uu ugu baaqay Wasaaradda inay ka laabato warqadda joojinta xafiisyada ay Puntland ka furteen Xubno katirsan golaha Wasiirada Soomaaliya.

Si kastaba khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa saameeyey howlihii Shaqo ee labada dhinac,waxaana Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan sadiiq Warfaaf uu Xafiiska ka furtay deegaannada Puntland sanadkii 2017 halka Wasiirka Qorsheynta uu isna furtay Maalin ka hor.