Kursigii koowaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , Waxaa ku guulaystay Cali Yuusuf Cali Xoosh kadib markii uu 49cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo isagu helay 1cod.
Natiijada waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Heer Federaal , kadibna waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada dadban ee Heer Maamul goboleed oo u hadlay Gudoomiye Nabadoon Khalif Aw cali.
Puntland ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu horeeyey ay ka dhacdo doorashada Aqalka Hoose .


