Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Federaalka Soomaaliya oo ku mideysan magaca Golaha Sama-tabixinta Qaranka, ayaa si buuxda u taageeray go’aannadii iyo warkii ka soo baxay Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Sama-tabixinta Mucaaradka Soomaaliyeed.
Golaha Sama-tabixinta Qaranka ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay ka go’an tahay iska caabinta iyo diidmada kali-talisnimada iyo ku tagri-falka awooda dowladeed ee ay ku eedeeyeen xukuumadda hadda jirta, iyagoo hoosta ka xariiqay in mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta geeddi-socodka dastuuriga ah iyo hirgelinta dowlad-dhisid loo dhan yahay.
Sidoo kale, Golaha ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo heer qaran ah, kaas oo lagu falanqeyn doono arrimaha dowlad-dhiska Soomaaliya, loogana tashan doono aayaha iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, si loo badbaadiyo curdinka dowladnimo ee dalka.




