Xildhibaanada labada Aqal oo Ansixiyay Heshiis ay Dawlada Soomaaliya la gashay Dawlada Turkiga

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Tallaabada ay maanta qaadeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Dawlada Soomaaliya  Dagaal diblumisaasiyadeed ay kula jirto dawlada Itoobiya oo ku soo xadgudubtay Madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya .