Xildhibaanada labada Aqal BJFS oo Ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, wwxaana ogolaatay 177 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin xildhibaan diiday.