Xildhibaanada koonfur Afrika oo u codeynaya kalsooni kala-noqoshada Zuma

Xildhibaanada Koonfur Afrika ayaa si qarsoodi ah codka ugu qaadaya mooshin ka dhan ah madaxweyne Jacob Zuma maalinta Talaadada, sida ay ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka ee waddankaasi.

Afhayeenka baarlamaanka Baleka Mbete ayaa go’aansatay arintaan ka dib markii axsaabta mucaaradka ay kiiskaan geeyeen maxkamada dastuurka ee koonfur Afrika.

Xilidhibaanada ayaa rumeysan in cod qarsoodi ah oo loo qaado Jacob Zuma ay xitaa qeyb ka noqon karaan xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee (ANC), kuwaasi oo ay u badan tahay inay ka codeeyaan madaxweynaha.

Mr Zuma ayaa horey uga badbaaday dhowr mooshin oo cod loogu qaadayay.

Xisbiga ANC ayaa xukumayay Koonfur Afrika tan iyo markii ay soo dhamaatay xukunkii caddaanka tirada yar sanadkii 1994, waxa uuna xisbigan aqlabiyad ku leeyahay baarlamaanka.