Jowhar-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in kulan aan caadi ahayn ay ku yeeshaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, maadaama Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabelle, la horgayn doonno Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa xaqiijiyay in Talaadada maanta Golaha Wasiirada la horkeeni doono Xildhibaanada, si ay codka ugu qaadaan.
Kulamo gooni gooni ahaa oo maalmahaanba ay Magaalada Jowhar ku lahaayen Madaxda Hirshabeelle iyo Xildhibaanada, ayaa laga soo saaray in cod u qaadista Golaha Wasiirada cusub aan lala sugin furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, oo ku beegan 5-ta bisha soo socota ee January.
Kulan shalay ka dhacay magaalada Jowhar oo Madaxweyne Waare la yeeshay xildhibanada ayaa waxaa la iskula gorfeeyay in la ansixiyo xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana kulankii shalay xildhibaanada uu kaga dhaadhiciyay meelmarinta Golaha Wasiirada.


