Xildhibaanada Golaha Shacabka oo fasax galay

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Baarlamaanka uu xirmay 10-kii bishan July oo shalay ku beegneyd.

Shalay ayay qorshaha aheyd in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu soo xiro kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Shacabka, balse wuxuu u baaqday safar uu Madaxweynaha ugu maqnaa dalka Turkiga.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.

Kalfadhigan uu xiray Guddoomiye Mursal ayaa waxaa 10-kii Maarso ee sanadkan furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sida uu dhigayo Dastuurka KMG ah ee dalka xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sanad walba waxa ay yeeshaan laba kalfadhi, iyada oo kalfadhi kasta oo ka mid ah kalfadhiyada uu soconaya mudo ku siman Afar bilood.