Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan ku yeelanayo Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa Warbixin loogu dhageysanaya Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.
Warbixinta ayaa waxa ay la xiriirtaa dib u eegista Miisaaniyada Dowladda ee sanadka 2017.
Dhageysiga Warbixinta ka dib ayaa Xildhibaanada waxaa lagu wadaa in ay ka doodaan dib u eegista Miisaaniyada Dowladda oo ay hada si wadajir ah ugu shaqeynayaan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya.



