Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday iney kulan su’aalo weydiin ah la qaataan wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed.
Sababta xildhibaanada u diideen iney su’aalo weydiiyaan wasiirka ayaa lagu sheegay iney tahay in xildhibaanada ay doonayaan taliyaasha nabad sugida iyo booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka amniga ayaa horey u hortagay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna balanqaaday in baarlamaanka uu horkeenayo taliyaasha amaanka si iyagana amaanka Muqdisho su’aalo looga weydiiyo.
Wasiirka amniga C/risaaq Cumar Maxamed kaligii, ayaa maanta xildhibaanada hortagay, waxayna xildhibaanada ka biyo diideen wasiirka oo aysan la socon taliyaha nabad sugida iyo taliya booliska iney kulan yeeshaan.
Xildhibaanada ayaa markii ay diideen iney la kulmaan wasiirka amniga kadib waxay yeesheen kulan iyaga u gaar ah.


